Xulka caashaqa
Ceeb kuma ahee
Adiga Sudhan Qalbiga
Calanyahow
Heybis
Waxaad haysaan
Waan adkaysanayaa
Goormay qaaday
Gaagaxii
Amaa goo habeenkii
Ama gabaya soo tiri
Ama taah ku geeraar
Ama taah ku geeraar 2x
Guushaada nolashiyo
Gobanimo qof kula jecel 2xx
Gacantaada midigna
Hadduu caashaq kuu galay
Hadduu caashaq kuu galay 2x
Balseeeeee aanu kula garan
Ha is gumaynin adiguyee
Gaagixi kalgacalkoo
Go’aan qaado kugu filan
Weey gaagixi kalgacalkoo
Go’aan qaado kugu filan 2x
Amaa go’a ku hoos ooy
Amaa gaar iskula shoowr
Ama gocasha soo reem Ama gocasho soo reem 2x
Gogasha isku hiiftayee
Miyaad gogalka diidiyoo 2x
Qalbi aanad weli geliin
Hadduu caashaq kuu galay
Hadduu caashaq ku galay
Haa hadduu caashaq kuu galay
Hadduu caashaq ku galay 2x
Balsee aanu kula garan
Ha is gumaynin adiguyeeee
Gaagixi kalgacalkooo
Go’aan qaado kugu filan
Weey gaagixi kalgacalkoo
Go’aan qaado kugu filan 2xx
Qoys
Qumanoow waxaa tahay
Ubax qaayaweeynoo
Qalbigiyo laabtiyo
Ku qotama wadnaha
Oooooo ooooooo
Kuwa dhiigga qaadaa
Qiyaastii waraabshaan
Qudhaydaa ku jeceloo
Kaa quusan maayee
Qudhaydaa ku jeceloo
Kaaa kaaa quusan maayeee
Qormo lagu baraariyo
Tii lagu qaboobiyo
Aaan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Aan qooys yagleelnee
geestaada ila qaboooo
Quruumaha adduunyada
Qaadirkeen ku uumay
Adigaan ku qaayibay
Qofna kulama sima
Eeeee eeeeee
Qawlkaaga wacan baa
Nafta qiima galiyee
Guurkaad qorsheeysaan
Kula qaatay aniguyee
Guurkaad qorsheeysaan
Kula kula qaatay aniguyee
Qormoo lagu baraariyo
Tii lagu qaboobiyo
Aan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Aan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Hooyo
Dheeman iyo luuleeyaa
Dhaayaha urooneeyaa
Gaaridii an dhalayeey yaa
Iisoo dhawaw Hooyo
Hooyoy dhaban qurux saneeyaa
Dadnimo waa loo dhashaayee
Waxaad tahay gaari dhiibsan
dhaliil iyo ceeb ka Dhawrsan
Allaa sharaf kuu dhameeyay
Asluubtiyo dhaqanka Suuban
anaa kugu dhalay Xishoodka.
Far shaxan hooyaday ka dheegtay
Sidaan ugu dhaadanaayey
Ayaa adna iga dhaxashay
Dhabada. Diinteena toosan
Horaad ugu dhaga nuglayd
Dhalshaada kusoo barbaari
Wiilkaad udhaxdee dhigaaya
Xaqdhawr hooyo mudanahaaga
Tixgalin dheeraadada yeelo
Reerkaaga dhaqaalihiisa
dhisoo darayada ka dhawro
Ducada waa lugu dhaqmaaye
Dhab iyo ehel soo dhawyso
Sokeeyaha dhabar uyeelo
Adiyo geesiga dhigaaya
Illahay ha idin dhawree.
Hoobeeyoo helele
Dhigiin ugu sharaf badnaada
Hoobeeyoo
helele
Dhalaan khayr qaba gardaad sha
Hoobeeyoo helele
Dhigiin ugu sharaf badnaada
Dhalaan khayr qaba
Gardaad sha
Amiin. Amiin
Muqdisho
Lugooyadan
Lugooyadan ila harteee
Jacaylkan ila sinee
Laad iyo iga tuuray buur
Habeen qura kama ladoo
Laciif buu iga dhigeee
Sideen ugu lug baxiyee
Adaa lahdada xumaaan
Nafyahay kala laabtoo
Nahwiga caashaqa ihelay
Lurkiisaba aan qabin
Inaan kaligay luga’oo
Nafee igu labo ahayn
Inaan laamaha luxoo
Waheey way ??
Naftayda naftayda
naftayda miyaan lunshaa
Anoo leexdada sariyo
lalaayo daruuraha
Lurkii cashaqa ihelay
Lilaalihi qofaan ahayn
Miyaan laaciisiyo
Ulaab kacay hiigsigii
Adaa lahdada xumaaan
Nafyahay kala laabtoo
Nahwiga caashaqa ihelay
Lurkiisaba aan qabin
Inaan kaligay luga’oo
Nafee igu labo ahayn
Inaan laamaha luxoo
Waheey way ??
Naftayda naftayda
naftayda miyaan lunshaa
Hadaan jilayaa jacayl
Haddaan jilayaa Jacayl
haddan jawi caashaq galay
Haddaan jaan goynayaa
Naflaha kii aan jantee
Jaleecada eegmadiisa
Qalbigu jiituu ka helayee
Jamaalkiis iyo asluubta
jaliilku siduu u uumay
lajoogiisaa jeclahee
marnaba kama jeesan karoyee
lajoogiisaa jeclahee
Miyuuba jiraa maya maya maya
Miyuuba jiraa maya
Miyuu jiraama midaan
Dunida Ku jimayn karaaya
Hadaan jeestaynayaa
Hadaan jiifkii ka toosay
Hadaan jikaarkii ka reestay
noolaha kii aan jeclaaday
Farxadi way jirtaayee
Jamaalkiis iyo asluubta
jaliilku siduu u uumay
lajoogiisaa jeclahee
marnaba kama jeesan karoyee
lajoogiisaa jeclahee
Miyuuba jiraa maya maya maya
Miyuuba jiraa maya
Miyuu jiraama midaan
Dunida Ku jimayn karaaya
Walaalnimo
Walaalnimadu waa wehel
Dan qudha wada wadaagoo
Waligood kala GU,in
Ma bogaadin guurkaagii
Waa mataano loo tiirin
Farxadaadu waa farxadayda
Ana taydu waa taada
Wiilal iyo gabdhaba wehel kuu noqdoo
Wayne ha idinku deeqee
Wanaagaad abuurteen
Noolaada waligiin
Walaalnimada waa nolol
Waa dhalasho waynoo
Wacadkooda lama furo
Salfudaydsi mooyee
Waan jeclaa agjoogaaga
Farxadaadu waa farxadayda
Ana taydu waa taada
Wiilal iyo gabdhaba wehel kuu noqdoo
Wayne ha idinku deeqee
Wanaagaad abuurteem
Noolaada waligiin
Hadaad ila joogin
Hadaanad ila joogin
Agtayda ka muuqan
Umalka xumadiisa
Dhaayaha la ilmeeya
Markaana amaanta
Afkaaga ka yeedha
Maqlayn eraygaaga
Dartaa la ilmeeyaa
Uurkiyo maankaa
Kalkagacaylka astaysay
Hadaan ku inshaartay
Indhaha nuurkooda
Ahow waligoodba
Ijaabo dhexdeena
Kalgacayl asiibye
Arxanka nolosheena
Iftiinka udaaray
Ahow waligaaba
Hadaan is adeecnay
Ubaxna isla qaadnay
Aqbalka kalgacaylka
Duufaanta ayaan anahoo
Waxaan istareexay
Markaan aqalkeena
Udubkoo udhisnoo
Adkayn jacaylka
Uurkiyo maankaa
Kalgacaylka astaysay
Hadaan ku ishaartay
Indhaha nuurkoodoo
Ahow waligaaba
Ijaabo dhexdeena
Kalgacayl asiibye
Arxanka nolosheena
Iftiinka udaaray
Ahow waligaaba
Mashquul
Maalin iyo habeen
Dabinadaa maldahan 2x
Nin maleegayoo
Caashaqa mudmuda
Mawdadaa guracan
Marka lagu gartana
Maraataynayooo 2x
Waxba hay marmarin
Ceeb may raacdoo
Mashquul haygu noqon2x
Sharaftiyo milgaha
Mawlahaa baxshee
Magacaan hantiyay
Wad mooyeee marnaba
Marnaba ma masixi kartide
HAYGU NOQON MASHQUUL3x
Muran iyo anoon
Iskusoo maqnaan2x
Kaba maarmayoo
Maqal kaaga dhigay
Fariimahaaa malmalan
Inaaad magan gashaaa
Ma wanaagsanee 2x
Naftan maya ku tidhi
Ninkaan marin gadee
Ku mashquulsanaw2x
Sharaftiyo milgaha
Mawlahaa baxshee
Magacaan hantiyay
Wad mooyee marnaba
Marnaba ma masixi kartide
HAYGU NOQON MASHQUUL3x
Lyrics by Řābō řōā
Hanad iisoo dhawaaw
Qalbigaygan dhaawacan
hadii aan dhawaaqiyo
hadalkayga dhuuxayn
farxadayda kala dhiman
hadi aanu dhamaynayn
dhambaalkaan u dirayaa
qalbigaygan dhaawacan
hadii aanu dhayaynoo
reer ila dhisaynin
dhiiga kaan u shubayaa
dhibaan kaa mutaystee jacayloow
ila dhaaf jacayloow
hawlahaagan dhereen
abid soo dhamanayn
hadii aanu i dhaadayn
marna soo dhawaanayn
caashaqan i dhalan rogay
dhinaciisa qabanayn
nafta kaan u dhigayaa
waayaan dhursagayee
hadii aanu dhabaynayn
iina dhaga nuglaanayn
kaan ku dhaadanaaya
dhibaan kaa mutaystee jacayloow
ila dhaaf jacayloow
hawlahaagan dhereen
abid soo dhamanayn
niyada ka diyaar garaw
naftani kaligaa ku jecel nasteexo irmaan ku soor
qalbiga caashaqa ku nool nitaaqiyo hawl kadaa
dhaaxaan farax naawilee samirka noloshaan ku sugee
wakaa nasrigii curtee niyada ka diyar garaw
dadbaa dad is jecel nacee dhagaha nacab ha u ergayn
weedhaha nabarada ka taga naxliga yaan cidi ku farin
kashana cadho ha u nuglayn
naf qaybsi markaan ku biday nabdiga wehelbaan u helay
nuurka caashaqa u baxay waxaan ku nageeyay dookh
xulkii naflahaad tehee siduu nadrigaygu rabay
nasiibku haduu aqbalay